Michele Cervone d’Urso1

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michele Cervone d’Urso oo wareysi dhinacyo badan siiyay Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal aan dalka horay uga dhicin oo shacabkuna intiisa badan wax ka ogeyn.

Mr. Michele Cervone d’Urso oo ka hadlayay howlaha ay ka wadaan dadka Soomaaliya ayaa sheegay inay tababaro siiyaan ciidamada Dowladda Federaalka, isla markaana ku dhowaad 200-Sarkaal oo Midowga Yurub ka socda ay ku sugan yihiin xerada ciidamada Jasiira oo ku taala duleedka Muqdisho.

Waxa uu sheegay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya in ciidamadii ugu badnaa ee caalamka loo diro ay ku sugan yihiin xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo ka socda Midowga Yurub kuna guuleystay inay yaareeyaan afduubka maraakiibta ay ku hayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Dhinaca kale Michele Cervone d’Urso ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo khilaafyada madaxda Dowladda Federaalka inay galaaftaan hiigsiga sanadka 2016-ka inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah.

Waxa uu sheegay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya inuu ku kalsoon yahay haddii Soomaalida horumariso hannaankeeda siyaasadda in la gaarayo hiigsiga sanadka 2016-ka, hase yeeshee wuxuu tilmaamay in khilaafyada hareeyay madaxda Dowladda Federaalka inuu hakiyay horumarka dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo mashaariic horumarineed isla markaana shirkii Copenhagen ee dalka Denmark curyaamiyay rajadii ay Soomaaliya ka lahayd.

“Midowga Yurub wuxuu dadaal ugu jiraa sidii loo mideyn lahaa ciidamada Dowladda Federaalka” ayuu yiri Michele Cervone d’Urso oo sheegay inay mideynayaan dhammaanba ciidamada Soomaalida ee ku sugan gobolada dalka oo dhan.