Tuulada Ceelbaar oo ka tirsan degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa aad u kacsan, kaddib markii halkaasi saakay ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo dagaalyahanada ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka tuuladaasi ka bilowday kaddib markii ciidamada dowladda ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ururka Al-Shabaab uu ku lahaa tuulada Ceelbaar, halkaasina uu ka dhacay dagaal aan waxba la iskula harin leyskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inkasta oo weli aan la helin xogta rasmiga ah ee qasaaraha uu geystay dagaalkaasi, hadana waxaa la soo sheegayaa inay jiraan qasaarooyin soo gaaray dadka rayidka ah iyo dhinacyada dagaalamaya.

Taliyaha hoggaaminaya ciidamada dowladda ee weerarka ku qaaday fariisimaha Al-Shabaab ee tuulada Ceelbaar ayaa warbaahinta u sheegay inay iyagu weerar ku qaadeen goob ay shir ku lahaayeen madax ka tirsan ururka Shabaab.

“Ciidamada Dowladda ayaa weerar ku qaaday goob ay ku shir ku lahaayeen madaxda kooxda Al-Shabaab oo ay uga tashanayeen sidii ay dadka Zeko khasab ah uga qaadi lahaayeen” ayuu yiri Taliyaha ciidamada C/raxmaan maxamed Timacadde.

Taliye Timacadde waxaa kale oo uu sheegay inuu dib ka soo sheegayo qasaaraha ay u geysteen dhinaca Al-Shabaab iyo dhinacooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dagaalkaasi ay ka soo hooyeen guulo isla markaana burburiyeen saldhigga ururka Al-Shabaab.