Jeylani-Hussein

Soomaalida Mareykanka ee degan magaalada Minesotta ayaa cambaareysay hanjabaadda ururka Al-Shabaab uu ku sheegay inuu weeraro ka geysanayo goobaha ganacsiga ugu waaweyn Mareykanka.

Madax ka tirsan ururrada Soomaalida Minesotta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hanjabaadda ururka Al-Shabaab aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin, iyagoona si cad u sheegay in ciidamada nabadgelyada dalka Mareykanka ay kala shaqeynayaan sugidda xasiloonida iyo kahortagga falalka argagixisada.

DAAWO VIDEO: