HC

Waxaa iska soo daba dhacaya faahfaahin ku saabsan qaraxii is miidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay Hotelka Central oo ku yaala degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay qasaarooyin lixaad leh, kaddib markii ay ku geeriyoodeen Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka iyo waliba dad shacab ah.

Labada qarax ee ka dhacay Hotelkaasi waxaa fuliyay laba ruux, iyadoo qaraxa hore uu fuliyay nin lagu magacaabo Ismaaciil Muuse, halka qaraxa labaad ay fulisay haweeney lagu magacaabo Luul Axmed Daahir oo iyadu ahayd madaxa Reception-ka Hotelka Central isla markaana muddo afar bilood ah ka shaqeyneysay halkaasi.

Haweeneydaan oo heysata Baasaboorka wadanka Holland ayaa la sheegayaa in markii uu dhacay qaraxa koowaad ay ka soo carartay hotelka gudihiisa iyadoo dooneysay inay isku ag qarxiso Wasiirka Maxamed Cumar Carte iyo Xildhibaano ku jiray masjidka Hotelka, balse is qarxisay markii uu kala tuuray Caano-gel K/Xigeenkii duqa magaalada Muqdisho oo qaraxii gabadha ku geeriyooday.

Dhinaca kale guddi culeys ku dhex leh Dowladda Ra’iisal Wasaare Sharma’arke oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh una xilsaaray baaritaanka qaraxii Hotelka Central ee magaalada Muqdisho ayaa howlihiisa soo gabagabeeyay, inkasta oo aan la soo bandhigin natiijadii ka dhalatay baaritaanadooda.

Nin Taksiile ah oo aan la helin magaciisa ayay xabsiga dhigeen ciidamada nabad sugidda, kaasi oo gaarigiisa ay isticmaali jireen haweeneyda iyo ninka isku qarxiyay Hotelka Central, waxaana weli si xowli leh u socda baaritaanada sababtii keentay in qarax laga dhex abaabulo Hotelkaasi isla markaana ay ku waxyeeloobaan madax iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.