TACSI: Allaha u naxariisto Nabadoon Xuseen Guure Calasow oo ku geeriyooday Muqdisho

???????????????????????????????

Anigoo ku hadlaaya magaca qoyskeyga iyo kan asxaabteyda kala duwan meelkasta oo ayka joogaan dunida dacalladeeda, waxaan halkaan Tacsi tiiraanyo leh uga diraayaa qoyskii, ehelidii, qaraabadii, duubab-dhaqameedyada Soomaliyeed iyo qarankaba, anigoo uga tacsiyadeynaaya geeridii kediska aheyd ee ku timid Al Marxuum nabaddoon Xuseen Guure Calasow oo ahaay nabaddoonka guud ee beesha Harti Abgaal Mudulood, gaar ahaan beesha Warsangeli Abgaal, asagoo marxuumku si kedis ah ugu geeriyooday magaalada muqdisho taariikhdu markey aheyd February 15, 2015, isla taariikhdaasna lagu aasay magaalada Muqdisho.

Waxaan Ilahay uga baryaynaa in uu marxuumka ka waraabiyo Janatul Fardowsa, qoyskiisii, qaraabadiisii, asxaabtiisii iyo qaranka Soomaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan. Aamiin Aamiin. Aamiin.

Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*