17_JAN_2015

Xukuumadihii dalka soo maray waxaa la magacaabi jiray maalin cad, hase yeeshee saddexdii Dowladood ee ugu dambeeyay waxaa la magacaabayay habeen saq dhexe, taasina waxay keentay in khilaaf xoogan soo kala dhex galo Ra’iisal Wasaaraha magacaabaya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo waliba Baarlamaanka.

Xukuumadda uu soo dhowaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid ayaa la kulantay caqabadii ugu weyneyd ee abid soo marta Golaha Wasiirada, kaddib markii uu baarlamaanka ka codsaday in dib loogu dhigo muddo laba jeer ah.

Baarlamaanka ayaa laga cabsi qabaa inuu codka kalsoonida kala noqdo xukuumadda cusub, bacdamaa uu kordhay mucaaradka Golaha Wasiirada oo xildhibaano fara badan ay iska waayeen liiska Wasiirada cusub, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in la qaboojiyay xiisadii u dhaxeysay Ra’iisal Wasaaraha, Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, lana flayo in xukuumadda cusub ay Baarlamaanka ka hesho codka kalsoonida.

 

Daawo Cartoons