Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha ee magaaladA Muqdisho soo gaaray madaxweynaha dalka Turkiga Rajjab Dayib Ordagan iyo wafdi baraalan oo uu hogaaminayo.

Wafdiga ayaa seddexdii maalin ee lasoo dhaafay laga sugayay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana loo xiray waddooyinka ugu waaweyn magaalada Muqdisho.
Wafdiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ah wasiiro xildhibaano iyo ganacsato sida uu inoo xaqiijiyay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Maxamed Mursal.
Waxaa sidoo kale la socda xaasaska iyo caruurta madaxda maanta soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana la filayaa in hishiisyo cusub ay la saxiixdaan dowlada Soomaaliya.
Garoonka diyaaradaha waxaa ku sugan madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka iyo xubno kamid ah wasiirada sida KMG xilalka u hayo oo uu kamid yahay wasiirka arimaha dibada Du’caale Beyle.
Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay xariga ka jaraan Terminal-ka cusub ee ay dowladda Turkiga ka hirgelisay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo isbitaalka digfeer oo lagu sameeyay dib u dhis iyo qalabeyn casri ah.
Sidoo kale Labada Madaxweyne ayaa kala saxiixan doono wajiga labaad mashaariic horumarineed, maadaama wejigii koowaad la soo gabo gabeeyay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dhismaha isbitaalka Digfeer iyo qalabeyn, dhismaha Terminal-ka iyo tan waddooyinka.

erdo1-500x375 erdo4-500x323 erdo6-500x332 erdo7-500x332 erdo8-500x360 erdo9-500x332 erdo10-500x270 erdo11-500x332 erdo12-500x213 erdo13-500x375

2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12