Waxaa saakay degan xaaladda gobolka Liege oo ka tirsan dalka Belgium, kaddib markii ay xalay howlgallo culus ka sameeyeen Booliska dalkaasi oo weerar ku qaaday rag ka tirsan dhaqdhaqaaqa ISIS isla markaana qorsheynayay inay weeraraan xarumaha ciidamada dalkaasi iyo goob hubka lagu keydiyo.

Booliska sida gaarka ah u tababaran oo howlgalkaasi qaaday ayaa waxa ay is rasaaseeyeen ragga hubeysan, iyadoo Boolisku ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan qaar ka mid ah raggii weerarka ka dambeeyay oo tiradoodu ahayd ku dhowaad toban dagaalyahan oo sida Komandooska u tababaran.

Ilaa saddex ka tirsan dagaalyahanada ayay Boolisku ku dileen weerarkaasi, iyadoo xalay la joojiyay dhaqdhaqaaqa halka uu dagaalka ka dhacay isla markaana la keenay ciidamo fara badan oo wata gaadiid kala duwan.

Magaalada Verviers oo ka tirsan gobolka Liege dalka Belgium ayaa la sheegayaa in saakay degan tahay xaaladeeda, iyadoo isu socodka dadka iyo gaadiidka caadi ku soo noqday inkasta oo magaaladaasi laga dareemayo saameynta uu ku yeeshay dagaalkii halkaasi ka dhacay.

Eric Van oo ah madaxa arrimaha Federaalka dalka Belgium ayaa saxaafadda u sheegay in la soo afjaray howlgalkii ka dhanka ahaa kooxaha jihaadiistayaasha ah oo uu sheegay inay ku xiran yihiin ururka ISIS.

22 21 16 14 10 7 9