Asad Fanaxlo

Inkastoo ay Soomaalidu hore ugu maah-maahday (RUN SHEEG WAA CEEB SHEEG) hadana waxaa jirta in mararka qaar aan runta laga weecan karin, halbeega qormadeydan aan ugu magac daray RAGU WAA RAGII RATIGA UUN BAA ROGAN, Waxaan fillayaaa in cid daah ka saaran aysan jirin oo durba la dheehan karo iyadoo qormada guddaha loo dhaadhicinba.
Ratiga waxaan ula jeeddaa Ra’iisul wasaaraha Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, Ragana waa ragii hore wasiirada ahaa intoodda badan, hadaba iyaddoo la wada og yahay in xukuumadii tan ka horeeysay ee baarlamaanku kalsoonidda kala laabtey, 6/12/2014. sida dhabta ah waxaa jiray buuq ay wadeen Golaha Baarlamaanka iyagoo inta badan diidaanaa in xukuumadii ay kalsoonida kala laabteen rag ku jiray ay u arkayeen caqabad ooay gaashaanka u rogeeen in ragaasi aanan dib loo soocelin dib danbe.
Waxaana jirtay in Ra’iisul wasaare CCC oo isagana la magacaabay- 17/12/2014 in xildhibaano badan ay kala hadleen hadii uu isku dayo in uu dib usoo celiyo ay wacdaro tusi doonaan, isagana uu in mudddo ah ka meer meerayay wallow ugu danbayntii uu xallay soo magacaabay kuwii hore uun marka laga reebo mid & laba.

Run ahaantii Aniga Qoraa ahaan wax iga shan & toban ah ma jiraan wixii la magacaabo & wixii la diidaba, balse markasta waxaan cabiraa siyaasada dalka & Rabitaanka shacabka, iyadoo intii aanan qoraalkan diyaarin saakay meelaha lagu Qaxweesto aan kasoo dhaga dhageeyay hadallo aan anshaxa Saxaafada u qori Karin anigoo ka baqayo xeerarka saxaafada qodabo ka mid ah in aan jabiyo sidaana sumcadeyda ku lunto, balse aan qorayo kaliya intii muhiimada aheyd.
Waxaa jiray Xildhibaano badan oo marka ay xukuumadan maqleen qaarkood Raadiyaasha dhulka la dhacay, qaar saakay aan Quraacan, iyo waliba qaar dhiigu kor u kacay, iyagoo mid walbo anfariir ku noqtay in dib ay u maqllaan rag ay hore Mooshin looga keenay.
Run ahaantii waxaa jiro Wasiiro Mudnaa in dib loo soo celiyo oo dalka & dadkaba Sumcad wayn ku lahaa oo markii dad badan ay maqleen si aad ah ugu riyaaqay. Hadaba waxba yaan war idiinku daallin maanta shacabka Soomaaliyeed waxa ay marayaan heer Canuga 5-jirka uu la socdo siyaasada, waxaana dadku wada ogaadeen oo intoodda badan ay ku sheegayan siyaasada ka jirta dalka in rag qura ay kubadda isku baas baasayaan, kubadana hal dhinac kaliya u socoto.
Afkaaraha dadweynaha markaan uruuriyay waxa ay kuu sheegayaan in tani ay keeni karto dib u dhac oo laga yaabo in hadana baarlamaanku caqabad ku noqdaan oo aan la ansixin mudada hartayna ay tahay waxyar, dad badan ayaa cabsi ka qaba in Hiigsigii ay ku taamayeen ee 2016 uu qal qiil galo. isku soo wada duuboo RAGU WAA RAGII RATIGA UUN BAA ROGAN.
W/D Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)

Email: asaddhayow@gmail.com

SKYPE Asad-Dhayow

Mogadishu-Somalia