Waxaan ahay muwaadin soomaliyeed oo ku nool qurbaha, gaar ahaan magaalada Rochester ee gobalka Minnesota dalka Mareykanka, labadii (2) sano ee la soo dhaafay, waxaa aad ii soo jiitay naxarista bani’aadanimo ee ay marwada koowaad ee madaxweynaha dalka maama Sahro Cumar Xasan u fidineysay dan-yarta Soomaliyeed, gaar ahaan masaakiinta ku nool caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Tusaale, labadii sano ee la soo dhaafay marwada Madaxweynaha Dowladda Federaalka mama Sahra Cumar Xasan waxay qabatay howl bani’aadaminimo oo in la xuso mudan, kaddib markii ay dhabarka u xiratay inay gargaarto qoysaska danta yar, kuwa naafada ah, dhibanayaasha dulman, kuwa naafada ah iyo caruurta agoonta ah.

Taakuleynta iyo daryeelka dadka Soomaaliyeed oo da’ walba leh ee ay ku caan baxday Mama Sahra marwada koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mudan in lagu daydo kama go’i doonto quluubta shacabka Soomaalida meel kasta oo ay joogaan.

Runtii Mama Sahra waa haweeneyda kaliya ee marka ay maqasho qof dhibaateysan aan marnaba ka hakan inay booqato oo ay ku gargaarto wixii karaankeeda ah khatar kasta oo ka jirta magaalada Muqdisho.

Marar badan waxaa dhacday in Mamada ay noqoto qofka koowaad ee booqda bukaano dhowr ah oo ku jira isbitaalada iyo guryaha magaalada Muqdisho, iyadoo ka qiirooneysa ayay Alle uga baryi jirtay inuu ka dulqaado bukaankaan dhibaata heysata.

Howlaha gargaarka qoysaska dhibaateysan waxaa u sii dheer Mama Sahra inay booqato xeryaha ciidamada kala duwan ee Dowlada Federaalka, isla markaana ku tabarucdo taakuleyn kala duwan iyadoo ujeedadeedu tahay inay dhiiri geliso ciidamada ku howlan difaaca dalka iyo dadka, iyadoo tagtay xerooyinka ciidamada ee kala duwan oo ku yaala Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.

Ma aha wax halkaan lagu soo koobi karo daryeelka dani’aadaminimo ee ay isku xil qaantay Mama Sahra runtii waxay aniga iigula muuqataa inay hooyo ay ku weyn tahay Soomaalinimada, bacdamaa iyadoo aanay jirin cid ku garab taagan howlaha ay ku gargaareyso dadka dhiban.

Ugu dambeyntii Mama Sahra waa hooyada sanadka 2015-ka ee mudan in lagu abaal mariyo waxqabadkeeda samatabixin ee ay ku gargaareyso qoysaska Soomaaliyeed kuwooda danta yar, anigoo ugu baaqaya qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo ay caalamka ka joogo inuu u istaago sidii loo caawin lahaa qoysaska ku dhibaateysan dalka gudihiisa.

1-27-500x281 1-28-500x281 1-34-500x281 1-35-500x281 1-39-500x281 57 66 91 640x427x916.jpg.pagespeed.ic.K6LBm-p2VQ 640x427x1012.jpg.pagespeed.ic.32L8Bz-yaq atto66  DSC02675 DSC08488 DSC08527 image115 image119 image120 IMG_8415 IMG_98441 indh2 marwo zahra_101
cabdulle-nuurow

Qore: Abdulle Hassan Nurrow
Abdulle_02@hotmail.com
Rochester, MN.