10_jan_2015

Ra’iisal Wasaare Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke ayaa waxaa soo food saaray jaha wareer siyaasadeed kii ugu weynaa ee uu la kulmo tan iyo markii labaad oo loo magacaabay Ra’iisal Wasaare, isagoona xafiiskiisa ay soo gaarayaan xubnaha kala duwan ee kooxda Madaxweynaha la rabaan jagooyinka Golaha Wasiirada, sida ka muuqata sawir gacmeedka Amin Caamir iyo sawiradiisa kale ee caadiga ah.

Eeg akhristow sawirada Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Murugta iyo qayirka ka muuqda, taasi oo muujineysa culeyska ka tan weyn ee uu kala kulmayo kooxda Madaxweyne Xasan oo iyagu ku taqasusay sida loo eryo shaqsi kasta ee loo magacaabo jagada Ra’iisal Wasaaraha, iyagoo si fudud ku riday laba Ra’iisal Wasaare oo xukuumadda soo martay.