Ciidamada kala duwan ee Dowladda Faransiiska ayaa ku guuleysteen inay toogtaan labadii nin ee ka dambeysay weerarkii magaalada Paris ka dhacay ee lagu dilay ilaa 12-ruux oo 6 ka mid ah ay ahaayeen shaqaalaha wargeyska magaaladaas ka soo baxa laguna magacaabo Charlie Hebdo.

Howlgalkaan oo socday muddo 24-saac ah ayaa la soo gabagabeeyay kaddib markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo wata Helicoptarro ay kor ugu dhaceen dabaq ay ku dhuumanayeen laba nin ee weerarka ka dambeysay.

Dhinaca kale ciidamada Dowladda Faransiiska ayaa ku guuleystay inay toogtaan nin madow ah oo isaguna 12-qof ku afduubtay maqaayad ay leeyihiin Israa’iil oo ku taala duleedka magaalada Paris, iyadoo nolosha lagu qabtay haweeney ninkaasi u dhaxday.

Xaaladda magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa saakay degan, iyadoo si tartiib tartiib ah uu u soo laabanayo dhaqdhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada Paris inkasta ciidamadii howlgalka waday ay wadaan weli baaritaano la xariira falkii ka dhacay magaalada Paris.

Lixda qof ee lagu dilay weerarkii ka dhacay xarunta wargeyska Charlie Hebdo ee ku yaala bartamaha magaalada Paris ayaa iyagu ahaa shaqaalaha wargeyskaasi oo ay ku jiraan kuwii sameeyay sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed CSW, kaasi oo la soo saaray sanadkii 2000.

Ururka Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay weerarkii lagu qaaday magaalada Paris ee wadanka Faransiiska, waxaana Madaxweynaha dalka France Francois Hollande uu ku maqrtidaay madaxweynayaasha dalalka Midowga Yurub inay yimaadaan magaalada Paris si ay uga qeyb qaataan taageero loo muujinaayo madaxda iyo shaqaalaha wargeyska Charlie Hebdo oo weerarka Paris ka soo gaaray qasaaraha ugu badan.

Waxaa Diyaariyay: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil@journalist.com

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 ggg-3.jpg 35 36