15

Waxaa si rasmi ah Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho uga furmay shir wasiirada arrimaha dibadda IGAD, waxaana furitaanka shirkaasi ka qeyb galay wakiilo ka socda dalalka caalamka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbad ka jeediyay furitaanka shirkaasi.

Madaxda dalalka caalamka ee ka qeyb galay waxaa ka mid ah wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, wakiilka QM ee Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dalalka caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirkaan oo soconaya muddo hal maalin ah ayaa la filayaa in maanta gelinka dambe laga soo saaro war murtiyeed ku saabsan ajandeyaasha shirkaasi ay uga hadlayaan wasiirada arrimaha dibadda IGAD.

Dhinaca kale ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka muhiimka ah ee magaalada la xiray gebi ahaanba, isla markaana gawaaridu ay marayaan waddooyinka jarda-jeexa ah ee ku yaala xaafadaha ku teedsan waddooyinkaasi.

IB0A7169 IB0A7170 IB0A7175 IB0A7180 IB0A7181 IB0A7184 IB0A7196 IB0A7197 IB0A7205 IB0A7209 IB0A7218 IB0A7221 IB0A7223 IB0A7226 IB0A7236 IB0A7240 IB0A7247 IB0A7249 IB0A7258 IB0A7260 IB0A7261 IB0A7275 IB0A7279 IB0A7283 IB0A7291 IB0A7295 IB0A7315 IB0A7338 IB0A7340 IB0A7345 IB0A7372 IB0A7374 IB0A7387 IB0A7398 IB0A7401 IB0A7402 IB0A7405