Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa saakay lagu ridayaa hoobiyeyaal fara badan, iyadoo ilaa shan saalbo oo madaafiicda Hoobiyaha loo yaqaano ay ku dhacayaan agagaarka xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in hoobiyeyaashaas ay ku dhaceen agagaarka xarunta madaxtooyada guryo ay degan yihiin dad rayid ah.

Ammaanka xarunta madaxtooyada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo fara badan la soo dhoobay guud ahaan dhismaha ay ka kooban tahay madaxtooyada, iyadoo gaadiidka iyo dadka socotada ah laga mamnuucay.

Ilaa iyo iminka ma jirto wax qasaare ah oo hoobiyeyaashaas ay geysteen, inkasta oo aan la ogaan karin goobaha ay madaafiicdaasi ku dhaceen iyo qasaaraha ay geysteen.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkugu soo gudbineynaa.