booliis11-640x241

Waxaa la soo afjaray howlgal ciidamada kala duwan ee Dowladda Faransiiska ku qaaday dhisme ay isku qarinayeen laba nin oo ka dambeeyay weerar lagu qaaday magaalada caasimada dalkaasi ee Paris.
Ciidamo gaar ah oo Faransiis ah ayaa Caawa fiidkii toogtay sedex nin oo laba kamid ah ay walaalo ahaayeen kana dameeyay weerarkii arbacadda lagu qaaday Xarunta wargayska Charlie Hebdo, Ciidamadda ayaa waqooyiga Paris ku toogtay Said Kouachi & Cherif Kouachi oo walaalo ah iyo Amedy Coulibaly,

Labada walaalo, Said iyo Cherif Kouachi, ayaa isku qarinayay dhismo ay leedahay shirkad wax daabacda magaalada Dammartin-en-Goele. Afhayeen u hadalay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in Ciidamadu ay isku dayeen inay la xiriiraan labada nin iyagoo si taxadar leh uga fogaanayo in waxyeelo nafeed dhacdo hayeeshee Markii dame Booliisku waxay u dhaceen dhismaha iyaga halkaas ku toogtay.

Dhinaca kale ragga la toogtay ayaa arbacadii weeraray xarunta wargayska Charlie Hebdo waxay dileen 12 qof oo mid kamid ah uu ahaa Booliis Muslim ah.