azhar

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maanta kulan la yeeshay Sheekh Ahmad Al tayib oo ah Imaamka Jaamacadda Azhar.

Madaxweyne Xasan ayaa ka dalbaday Imaamka in Jaamacadda Azhar ay soo celiso doorkeedii dalka Soomaaliya, isla markaana ka qeyb qaadato tababarada macallimiinta iyo howlaha kale ee ay horay uga heysay Soomaaliya.

Waxaa kale oo Madaxweyne Xasan Sheekh Imaamka Azhar uga warbixiyay xaaladda dhabta dalka Soomaaliya, isagoona sheegay inay jiraan dhibaatooyinka dalkiisa burburka ku keenay ay ka mid tahay fasirka qaldan ee laga bixinayo diinta Islaamka.

“Shacab Muslim ah ayaanu nahay, waana aaminsanahay in Jaamacadda Azhar ay soo afjari karto fasirka qaldan ee diinta” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay dhinaca kale in dadka Soomaaliyeed ay kala geeyeen fikradaha qaldan ee laga bixinayo diinta Islaamka.

Dhinaca kale Imaamka Jaamacadda Azhar Sheekh Ahmad al Tayib ayaa u ballanqaaday Madaxweynaha Soomaaliya inay si buuxda uga qeyb qaadanayaan sidii fikradaha qaldan looga saari lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Imaamka azhar inay tababarayaan macallimiin Soomaaliyeed oo diinta Islaamka iyo barashada culuunta kale ku faafiya dalka isla markaana dadka ku baraarujiya macaanka Diinta Islaamka iyo cilmiyada kale.