Ilaa afar qof ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad rayid ah, kaddib markii askar Dowladda ka tirsan iyo kooxo hubeysan ay dilalkaasi geysteen.

Gelinkii hore ee saakay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa si bareer ah u dilay gabar lagu magacaabo Maryan Axmed Bootaan xilli ay ka soo baxeysay gurigeeda oo halkaasi ku yaala.

Dilka gabadhaasi ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyay Guddoomiyaha degmada Dharkeenley oo sheegay in ciidamada ammaanka ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyay dilka gabadhaasi.

Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon waxaa saakay lagu dilay daral iyo caawihiisa oo wade ka ahaa gaari nooca basaska yar ee BL-ka ah, kaddib markii askari ka tirsan Dowladda Federaalka uu ku furay rasaas.

Dilka darawalka iyo caawihiisa ayaa la sheegayaa inuu yimid kaddib markii askariga iyo wadaha gaarigaasi uu muran soo kala dhex galay, isagoo goobtaasi isaga baxsaday kaddib markii uu dilka geystay.

Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan suuq Bacaad waxaa saakay lagu dilay nin ganacsade ah, waxayna dad goob joogayaal ah sheegeen in dilka ganacsadahaasi ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan, kuwaasi oo iyagu ka baxsaday ciidamada Dowladda ee gaaray halka uu dilka ka dhacay.

Dhinaca kale ma aha markii ugu horeysay oo magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dilalka dadka rayidka ah, hase yeeshee dilalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Federaalka ay yeelatay Ra’iisal Wasaare cusub, kaasi oo aan weli soo dhisin Golihiisa Wasiirada.