Madaxweynayaasha Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo ku saabsan labada dal, kaddib markii ay maanta kulan ballaaran ku yeesheen magaalada Qaahira.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay xarunta madaxtooyada dalka Masar, halkaasi oo salaan uu kaga qaatay ciidamada bambeyda dalkaasi kaddibna kulan gaar ah oo labada Madaxweyne ay wada qaateen ayay uga hadleen arrimo dhowr ah oo khuseeya labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ayaa dalka Masar ku tegay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa C/fatax Al-Casisi, waxayna labada mas’uul kulankooda gaarka ah uga hadleen sidii labada dal ay xoojin lahaayeen xiriirkooda.

Daa’uud Aweys oo ah afhayeenka afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay wada saxiixeen inay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, iyadoo Dowladda Masar ay maal gashaneyso dalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo ka mid ah heshiiska labada Madaxweyne in Dowladda Masar ay dhinaca amniga ka taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan tababarada ciidamada iyo dib u dhiska xarumaha Dowladda.

Sidoo kale waxaa ka mid ah in Dowladda Masar ay Soomaaliya ka taageerto dhinaca caafimaadka, isla markaana ka qeyb qaadato dib u dhiska ka socda dalka Soomaaliya oo burbursan muddo ka badan 23-sano.

Madaxweynaha dalka Masar C/Fatax Al-Casisi ayaa sheegay inuu magacaabayo guddi qaabilsan gargaarka Dowladiisu ku tabaruceyso Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in la xoojinayo xiriirka soo jireenka ah ee uu dalkiisa la leeyahay Soomaaliya.

1masar 2Masar 3masar 10masar 13masar IB0A9184-515x343 IB0A9206-515x343 IB0A9214-515x343 IB0A9228-515x343 IB0A9237-515x343 IB0A9246-515x343 IB0A9259-515x343 IB0A9261-515x343 IB0A9262-515x343 IB0A9268-515x343 IB0A92401-515x343