i4

Guddoomiyaha maamulka ku meelgaarka Kismaayo Axmed Maxamed Islaam ‘’Axmed Madoobe’’,  ayaa sheegay in mudooyikaani ay soo ifbaxayeen Culeysyo kaga imaanaayay dhanka Xukuumadda Somalia, waxa uuna sheegay  in Xukuumadda Somalia ay dagaal kula jirto dhismaha maamulka Jubbaland.
Waxa uu Tilmaamay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo horjeedo Dastuurka iminka loo sameeyay Maamulka Jubbaland, isagoona sheegay, in Xukuumadda aysan raali ka ahayn Dhammaan  Ergada shirka kasoo qeybgashay.
Axmed Madoobe waxa uu dhanka kale, sheegay in Xukuumadda Somalia ay maamul ka garab dhistay, maamulkaasoo uu ku sheegay Axmed Madoobe in lagu naafeenayo shirka Jubaland iyo Maamulka la doonaayo in la dhiso.
Axmed Madoobe, ayaa sheegay inuu aamin sanyahay in Dagaal lagula jiro, isagoona sheegay in loo sheegay wax waliba oo lagu burburin karo shirka Jubaland si hoose iyo sare intaba loogu sheegay.
“Waxaan idiin sheegaya waxkasta oo qof Bini’aadam ah uxusho in la igula hadlay si aan shirkaan uburburino,waxyaabaha la igu dhahay waxaa kamid ah maad iska haysatid laguguma haystee aan kuu barakeene”Sidaasi waxaa yiri Axmed Madoobe.
Shirka Jubaland ee ka socda Magaalada Kismaayo ayaa lagu doonayaa in maamul loogu sameeyo Gobalada Jubbooyinka iyadoo markii hore qorshaha uu ahaa maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo balse Dowladda Soomaaliya Maamul KMG ay u magacaawday Gobalka Gedo.
Si kastaba ha ahaatee, Axmed Madoobe ayaa ka shanqariyay in Maamulka laga dhisi doono Gobolada Jubbooyinka uu noqon doono Maamul lid ku ah Xukuumadda Somalia, isagoona sheegay inay Tashan doonaan Xukuumadda Somalia.