N.Korea

Waxaa saakay Internet la’aan ah guud ahaan wadanka Waqooyiga Kuuriya, kaddib markii hawada laga waayay qadkii Internet-ka Mobile-ka ay dadku isticmaalayeen, waxaana arrintaasi ay saameyn ku yeelatay xiriirka guud ahaan dadka ku dhaqan dalkaasi.

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in dalkiisa ay dagaal dhinaca Internet-ka ah ku soo qaadeen shirkado laga leeyahay wadanka Mareykanka, isagoona hanjabaadii u dambeysay u diray dalkaasi.

Kulan dhex maray hoggaamiyaha W/Kuuriya iyo saraakiisha dowladda dalkaasi ayaa laga soo saaray warar ka dhan ah Dowladda Mareykanka oo dagaal dhinac walba leh ku soo qaaday, waxayna madaxda dalkaasi shaaciyeen inay Mareykanka ka aar gudanayaan.

Wararka ka imaanaya magaalooyinka waaweyn ee W/Kuuriya ayaa sheegaya in hoos u dhac weyn uu ku yimid xiriirka bulshada dalkaasi degan, waxaana laga cabsi qabaa in dowladda dalkaasi ay qaaddo tallaabooyin aan wanaagsaneyn.

Dhinaca kale waxaa cirka isku shareeraya xiisada ka dhalatay filim ay soo saartay shirkadda Sony Picture ee laga leeyahay dalka Mareykanka, filimkaas oo si weyn uga qeylisay Dowladda W/Kuuriya kuna tilmaamtay in laga sameeyay shirqool lagu dilay hoggaamiyaha K/Kuuriya.