Flag-Pins-Uganda-Ethiopia
Wakaalada wararka ee dalka Turkiga Anadolu Agency, ayaa saraakiil Ethiopian ah ka soo xiganeysa in madaxweynaha Uganda uu maanta ku wajahan yahay Adis-ababa halkaasi uu kula kumi doono madaxda ka tirsan Dowlada Ethiopia uu ka mid yahay ra’isal wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn iyo Saraakiil kale kuwaasoo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiirka Labo geesoodka,sida dhaqaalaha iyo Nabad galyada.

Madaxweynaha dalka Uganada Yuweri Museveni ayaa lagu wadaa in maanta oo jimco ah gaaro dalka Ethiopia halkaasi uu ku qaado doono safar seddex maalin qaadan doona, sida ay sheegeen diblumaasiyiin Ethiopian ah.

Sidoo kale,wada hadalada ayaa la filayaa inay qeyb ka noqdaan xaalada nabad galyo iyo mida deganaasho iyo ee dalalka gobolka ku yaalo,sida Ilo ku dhow mas’uuliyiinta ay xaiijiyeen.

Labada Dowlada Ethiopia iyo Uganda ayaa waxay Ciidamo nabad ilaalin oo ku howgala magaca AMISOM ka joogaan Soomaaliya,kuwaasi oo Al-shabaab la dagaalamaya.

Waxaana wararka ay sheegaan in Mas’uuliyiinta arintaasi si gaar ah isaga arkaan,kana sidii la iskaashan lahaa kordhinta taageerada Soomaaliya.