Waxaa weli gubanaya masjid weyn oo ku yaala magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden, iyadoo goobtaasina ay ku sii qulqulayaan gawaarida dab damiska iyo dadweyne fara badan kuwaasi oo la tacaalaya sidii ay u damin lahaayeen dabkaasi.

Saraakiil ka tirsan degmada Eskilstuna oo ku sugan masjidka uu dabku ka kacay ayaa sheegay inay baarayaan sababtii ka dambeysay dabka masjidkaasi ka kacay, iyagoona sheegay inay hadda socdaan howlgallo dabka looga badbaadinayo qalabka dhex yaala masjidkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in warar kala duwan ay ka soo baxayaan dabka ka kacay masjidka ay ku tukadaan Soomaalida degan degmada Eskilstuna, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in gubashada masjidkaasi ay ka dambeeyeen kooxo cunsuriyiin ah.

Dhinaca kale dabka ka kacay masjidkaasi ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Sweden ay dhowaan hareeyeen qulqulatooyin siyaasadeed oo u dhaxeeya xisbiyada dalkaasi.

masjidka masjidka_2 masjidka_3 masjidka_4 masjidka_5

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here