Wararka aanu ka heleyno xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in munaasabada ay iminka socota, isla markaana ay ka soo qeyb galeen Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiiradii Xukuumadii hore, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Munaasabad uu xilka kula wareegayo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo shalay uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan ka socota Xarunta Madaxtooyada, iyadoo Ra’iisul Wasaarihii hore C/wali Sheekh Axmed uu xilka wareejinayo.

C/wali Sheekh Axmed ayay maanta kaga eg tahay sii heynta xilka Ra’iisul Wasaare, kadib markii 6-dii bishan uu waayay kalsoonida Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha xilka la wareegaya Cumar C/rashiid ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo xaflada xil wareejinta, sidoo kale C/wali Sheekh Axmed ayaa isna la filayaa inuu ka hadlo munaasabada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu isna khudbad ka jeediyo, inkastoo la soo sheegayo in saxaafada ay dibad joog ka tahay hoolka ay ka socoto Xaflada.

23-kii bishii December ayay aheyd markii C/wali Sheekh Axmed uu xilka Ra’iisul Wasaare kala wareegay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo sanad kadibna uu xilka isna ku wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha lagu bedelay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in marxaladaha  kala guurka siyaasada ay labadii jeer ay ku soo beegantay bisha December, waana bil loo aqoonsan doono is bedelada Ra’iisul Wasaarayaasha.

IMG_0031 IMG_0060 IMG_0072 IMG_0076 IMG_0078 IMG_0079 IMG_0104 IMG_0105 IMG_0122 IMG_0132 IMG_2168 IMG_2201 IMG_2212 IMG_2218 IMG_2246 IMG_2248 IMG_2252