Xaaladda magaalada Sydney ee wadanka Australia ayaa saakay aad u kacsan, kaddib markii nin hubeysan uu magaaladaasi ku afduubtay dad ka badan 40-ruux oo ku qaxweynayay maqaayad ku taala bartamaha magaaladaasi.

Ciidamo badan oo isugu jira Booliska iyo kuwa Nabad sugidda Dowladda Australia ayaa isku gadaamay maqaayadaasi, iyagoona dadka ka saarayay dhismayaasha ku dhow halka lagu afduubtay dadka rayidka ah.

Ninka hubeysan ayaa la sheegay inuu ku jiro dhismaha, waxaana dariishad ka mid ah maqaayadaasi laga taagay calanka kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq, waxaana goobtaasi ku wareegsan ciidamada Australia.

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Autralia Mr. Tony Abbott oo shacabka dalkaasi kala hadlay Telefishanka ayaa sheegay inaysan weli kala garan waxa uu doonayo ninkaasi dadka afduubtay, hase yeeshee waxa uu sheegay in kooxdaasi ay ka mid yihiin cadow kahorjeeda dadka iyo dalka.

Dhinaca kale waddooyinka waaweyn ee magaalada Sydney ayaa saakay lagu arkayay ciidamada Booliska dalkaasi, kuwaasi oo iyagu bilaabay howlgallo iyo weerar ay ku qaadeen ninka maqaayadda ku afduubtay dadka shacabka ah.

Wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda magaalada Sydney waan idiin soo gudbineynaa.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31