Booliska Dowladda Jarmalka ayaa toogtay wiil Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay C/Qafaar, wiilkaasi oo ka soo jeeda magaalada Muqdisho ayaa waxaa meydkiisa baafinaayo jaaliyadda Soomaalida Jarmalka, inkasta oo weli aanay Boolisku caddeynin sababtii ka dambeysay dilkiisa.

Wiilkaan oo da’diisa lagu qiyaasay 19-sano jir ayaan la ogeyn sababta loo dilay, hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in wiilkaasi ay isku dhaceen ciidamada Booliska Jarmalka magaalo uga beegan waqooyiga dalkaasi.

Cabdiqafaar