Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolka J/hoose waxaa ka dhacday munaasabad lagu sagootinayay cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Kenya, waxaana munaasabadaasi oo ay ka soo qeyb galeen saraakiil ka tirsan AMISOM looga hadlay waxqabadka ciidamadaasi mudadii ay joogeen gobolada Jubbooyinka.

Taliyaha qeybta labaad ee ciidamada AMISOM Jan. Walta Raria oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimid xilligii ciidamada Kenya la bedeli lahaa, wuxuuna hoosta ka xariiqay inaysan iloobi doonin doorkii ay ku lahaayeen nabad ku soo dabaalidda goboladaasi.

Ciidamada Kenya ee isaga baxaya magaalada Kismaayo oo tiradooda gaareyso in ka badan 140-Askari ayuu sheegay Taliyaha in bedelkooda uu ahaa saddex bil kahor, balse dib loogu dhigay howlgallo milateri oo ka socday degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ciidamada cusub ay halkooda ka sii wadi doonaan howlgalada nabad ku soo celinta Soomaaliya.

Cutubyadaan ka tirsan ciidamada Kenya ee ka ambabaxay magaalada Kismaayo ayaa ku sii jeeda dalkooda, iyadoona gebi ahaanba ammaanka ay la wareegeen ciidamo ka tirsan Dowladda Itoobiya.

Dhinaca kale ciidamada Itoobiya oo Kismaayo gaaray bartamihii toddobaadkii aynu soo dhaafnay ayaa si buuxda ula wareegay degaano hoos yimaada magaalada Kismaayo sida: Goobweyn,Yontooy iyo Buula gaduud, iyadoo ilaa iyo iminka aanay jirin weeraro iyo dagaallo ay kala hor yimaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

137 222 319 416 515 611 710