Majaajiliste Cabdi Maxamuud Ilkacase oo magaalada Muqdisho ku geeriyooday

Majaajiliiste_Cabdi_Maxamuud_Ilka_Case

Majaajalistaha caanka ah Cabdi Maxamuud Ilkacase Allaha u naxriistee ayaa goor dhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday sida uu xaqiijiyay Maareeye ku xigeenka Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdikariim Jiir xilli uu ku sugnaa gurigiisa.

Waxa uu sheegay abwaanka in Majaajliste Ilkacase laga heley Meydkiisa guriga oo ka deganaa Muqdisho duhurnimadii maanta, isagoo xaaladiisa caafimaad ay ahayd mid wanaagsan oo aanu qabin wax xanuun ah.

Allaha u naxriistee Cabdi Maxamuud Ilkacase oo ahaa majaajiliiste caan ah, isla markaana ka qeyb qaatay majaajilooyin dhowr ah oo si weyn ay ula dhaceen shacabka Soomaaliyeed isla markaana jeclaayeen majaajilooyinkiisa ayaa si weyn uga naxay geerida ku timid.

Dhinaca kale Allaha u naxariistee majaajiliiste Cabdi Maxamuud Ilka Case ayaa ka mid ah majaajiliistayaasha fara ku tiriska ah ee ka haray bahda fanka Soomaaliyeed, kaddib markii majaajiliistayaasha dalka ay noqdeen kuwo la dilo iyo kuwo dalka dibadiisa u qaxay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*