Mungab

“Hiigsiga Gobolka banaadir ee 2016 waa Muqdisho oo nabad ah, ka caaggan fal argagxiso, soona ceshata bilicdeeda, shacabka Soomaaliyeedna ay ugu wada noolaadaan si siman oo caddaalad ah”. Sidaasi waxa yiri gudoomiyaha Gobolka banaadir isla markaana ah Duqa Magaalada Muqdisho General Hassan Mohamed Hussein (Muungaab) oo ka qeybgalay shirka Kopenhagen.

Shir caalimi ah oo looga hadlaayey arrimaha Hiigsiga Cusub ee 2016 oo dowladda Denmarka martigelisay ayaa saaka ka bilowday Magaalada Cobenhagen ee dalka Denmark. Shirka ayaa waxa si wada jir ah u shir guddoominayey Madaxweynaha jamhuuriyadda Federelka ee Soomaaliya Mudane Xasan Shikh Maxamud iyo Ra’iisul Waaraha Dalka Denmark Helle Thorning-Schmidt.

Guddomiye Muungaab ayaa khudbadiisa oo ay ka muuqatay qiiro waddaninimo ayaa si wanaagsan uga hadlay howlaha horyaala Gobolka Banadir ee looga baahan yahay si uu u fuliyo waajibaadkiisa.

Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka go’an in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay helaan adeegga ay u baahan yihiin ee aasaasiga ah sida Waxbarashada Asaasiga oo lacag la’aan ah, Biyo nadiif ah oo joogto ah, Caafimaadka Aasaasiga oo lacag la’aan ah, Koronto Raqiis ah, adeega qashin qaadista, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, suuqyada, gargaarka deg degga ah iwm.

Dhanka nabadgelyada caasimadda ayaa gudoomiyaha waxa uu sheegay in ammaanka caasimadda uu ku soo noqday caadi, hey’adaha nabadgelyada gobolkana oo kaashanaaya shacabka Muqdisho in ay si wadajir ah wax ugu qabanayaan kooxaha argagixisada ah ee xasilooni darrada ka sameynaaya Muqdsiho.

Ugu danbeyn Gudoomiye mungaab ayaa ka dhawaajiyey in barnaamijka dimoqoraadiyeynta uu ka bilaabanaayo Magaalada Muqdisho, si shacabka Muqdisho ay u helaan xuquuqda ay ku leeyihiin Dastuurka Ku meel gaarka ah ee soomaaliyeed.

Guddomiye Munagaab oo khudbadiisa ku akhriyey luqadda ingiriiska ayaa Madaxdii ka soo qeyb galay ay ula dhaceen sida uu soo bandhigay waxqabadikiisa iyo hiigsiga Gobolka ee 2016ka.

Maamulka Gobolka Banaadir, Muqdisho,