qarax

Waxaa soo hagaageysa xaaladda Weriye Nuure Maxamed Cali oo isagu ku dhaawacmay qarax miino oo loogu xiray gaarigiisa, waxaana weriyaha laga gooyay lugta midig, kaddib markii uu soo gaaray burbur aad u xoogan.

Dhaqaatiirta isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaaladda weriyaha ay soo hagaageyso, kaddib dhaawacyo ka soo gaaray qeybaha hoose, gaar ahaan labada lugood oo midigta la gooyay, bidixdana ka soo reysaneyso dhaawac fudud oo soo gaaray.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah qaraxa ayaa waxaa kale oo qasaare baaxad leh u geystay gaariga weriyaha, kaasi oo la sheegay inuu ahaa miino lagu xiray qeybta hore ee gaarigaaasi.

Dhinaca kale weriyahaan oo ka howlgala warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhaawiciisa cambaareeyay bahda saxaafadda Soomaaliyeed, gaar kuwa ka howlgala magaalada Muqdisho, mana aha markii ugu horeysay oo qarax lala eegto weriyeyaasha ka howlgalada caasimada dalka.