Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo Al-Shabaab ka saaray degmada Cadale

cadale1

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Cadale iyo deegaanno kale oo hoostaga gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha guudtada 12-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamuud Maxamed Xasan “Qaafoow” ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Cadale, halkaasi oo uu xusay inay iminka ka wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

Jeneraal Maxamuud Maxamed Xasan “Qaafoow” ayaa tilmaamay in ciidamada ay la kulmeen soo dhaweyn ay u sameeyeen shacabka halkaasi ku nool, waxaana uu intaa ku daray inay sii wadayaan howlgallada ay ku baacsanayaan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana gacanta dowladda dib loogu soo celinayo deegaannada xeebta ku teedsan ee ay Shabaabku ku dhuumaaleysanayaan.

Ciidamada ayaa maalmahaan waxa ay deegaanno badna oo ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ka wadeen howlgallo ay kula wareegeen deegaanno badan oo ay horey ugu sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*