Rag ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay maamulka gobolka Hiiraan

???????????????????????????????
Waxaa sii kordhaya dhallinyarada ka tirsan ururka Al-Shabaab ee iyagu ka faa’iideysanaya cafiska Dowladda ay u fidisay ee mudada 45-cisho ah, iyadoo tirada iminka isku dhiibtay Dowladda Federaalka ay gaareyso ku dhowaad boqol dhallinyaro ah.

Taliska nabad sugidda maamulka gobolka Hiiraan ee Dowladda Federaalka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada B/Weyne ayaa ka warbixiyay in dhallinyarada gobolka Hiiraan ee ka tirsan ururka Al-Shabaab ay sii kordheyso isla markaana ay gaareyso in ka badan 28-dhallinyaro ah oo isugu jira horjoogayaal, dagaalyahano iyo xubno kale oo xiriir la leh Al-Shabaab.

Faarax C/llaahi Faarax oo ah K/Xigeenka madaxa nabad sugidda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhallinyarada Al-Shabaab ka tirsan ee isku soo dhiibay ay geeyeen xarun loo sii diyaariyay, isagoona sheegay in dhallinyaradaasi ay u sameynayaan wacyi gelin, kaddibna qoysaskooda lagu wareejinayo.

Taliye K/Xigeenka nabad sugidda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in 28-ka dhallinyarada ka soo goostay Al-Shabaab ee isku dhiibay maamulka gobolka ay ka kala yimaadeen degmada B/Burte iyo degmooyinka kale ee gobolka.

“Waan soo dhoweyneynaa dhallinyarada Al-Shabaab ka baxeysa ee ka faa’iideystay cafiska Dowladda u fidisay” ayuu yiri Faarax C/llaahi Faarax oo sheegay inay gacmo furan ku soo dhoweynayaan.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay inay jiraan dhallinyaro kale oo Al-Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo doonaya inay Dowladda isku dhiibaan, wuxuuna tilmaamay in tallaabadan ay qaadeen dhallinyaradii gartay marin habaabinta kooxda Al-Shabaab ay horseedeyso nabad ka dhacda gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*