Scotland oo iska diidday inay ka go’da Britain inteeda kale

Scotland2

Scotland ayaa qeyb ka sii ahaan doonto Britain kaddib markii ay codbixiyayaashu u codeeyeen in aanay go’in.

Natiijada kama dambaysta ayaa muujinaysa in dadka diiddan in Scotland ka go’do Britain ay heleen boqolkiiba 55.

Dadka taageersan madaxbanaanida Scotland ayaa helay boqolkiiba 45.

Wasiirka koobaad ee Scotland, Alex Salmond, oo u ololeynayay in Scotland ay go’da ayaa sheegay inuu oggolaaday in laga guulaystay.

Ra’iisalwasaaraha Britain ayaa sheegay inuu ku furaxsan yahay natiijada.

Xigasho: BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*