Kulan laba geesood ah oo maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda Howlaha guud Gaadiidka Badda iyo Dekedaha ayna yeesheen Guddiga Baarlamaanka ugu qaabilsan Wasaaradaasi iyo madaxda Wasaaradda ayaa looga hadlay sidii dardar loo gelin lahaa howlaha kala duwan ee Wasaaraddaasi Qaranka u heyso.

Xildhibaano ka socday Guddiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddigaas Xildhibaan Cusmaan Maxamed Dhuubow ee booqday xarunta Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka Badda iyo Dekedaha ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda, Agaasimeyaasha kala duwan iyo madax qeybeedyada Wasaaradda.

Kulanka ayaa warbixin looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Md. Muxudiin Maxamed Kaalmooy isagoo ka hadlay qorshaha ku aadan dib u dhiska dalka ee Wasaaraddu u qorsheysay, wuxuuna sheegay in Wasaarada oo ka kooban qeybo kala duwan oo isugu jira Howlaha guud, Badda, Dekedaha, Korontada iyo Tamarta ay xukuumaddu isugu geysay hal Wasaarad, kuwaasoo ah howlo baaxad leh una baahan in la iska kaashado fulintooda.

Gabagabadii kulanka shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud Gaadiidka Badda iyo Dekedaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Wasaaradda Xildhibaan Cusmaan Maxamed Dhuubow ayaa sheegay in kulankooda maanta ay iskula jeex jeexeen qodobo muhiim ah oo ku aadan sidii Wasaaradda Howlaha guud oo ah Wasaaradda kaliya ee Dowladda u qaabilsan dib u dhiska dalka inay muujiso dadaal ku aadan dib u dhiska goobihii burburay 22-sano kahor.

Shirkooda jaraa’id ku sheegeen in Wasaaradda haatan looga fadhiyo inay dib u soo nooleyso adeegyadii bulshada sida Waddooyinka, goobihii waxbarashada, caafimaadka iyo goobaha kale ee asaasiga u ah nolosha bulshada kuwaasi oo si toos ah u saameeya nolosha bulshada.

Md. Kaalmooy iyo Xildhibaan Dhuubow ayaa ku nuux nuuxsaday horumarka ay Wasaaradda haatan ku tallaabsatay mudadii yareyd ee ay jirtay iyo waxyaabihii u qabsoomay, waxayna sheegeen in loo baahan in la sii laba laabo si loo gaaro yoolka la hiigsanaayo, waxayna ammaan iyo bogaadin u soo jeediyeen howlwadeenada Wasaaradda ee uu ugu horeeyo Agaasimaha guud Wasaaradda Howlaha guud Gaadiidka Bada iyo Dekedaha Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) ama Agaasimeyaasha kale ee Wasaaradda dadaalka dheeraadka ah ee ay muujiyeen.

Dhinaca kale guddiga Baarlamaankau qaabilsan Wasaaradda Howlaha Guud ayaa maalmahaan kormeer howleed ku marayay xarumaha Dowladda iyo degmooyinka Gobolka Banaadir, iyagoona qiimeynaya xaaladda dib u dhiska dalka sida ay haatan ku socoto.

DSC08263 DSC08264 DSC08265 DSC08266 DSC08269 DSC08274 DSC08276 DSC08279 DSC08281 DSC08284 DSC08285 DSC08290 DSC08291 DSC08293