Magaalada Mombasa ee wadanka Kenya waxaa ka socda tartan xiiso leh oo loogu magac daray “Tartanka horyaalada kooxaha K/Koleyga Bariga Afrika” waxaana dalka Soomaaliya uga qeyb gelaya ilaa shan ciyaartoy oo laga soo xulay kooxda K/Koleyga ILS, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan kooxaha K/Koleyga dalalka bariga Afrika.

Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga ayaa sheegay in ciyaartoyda Soomaaliya ee ka qeyb qaadaneysa tartanka Bariga Afrika oo ka dhacaya magaalada Mombasa ee dalka Kenya ay intaasi ka badnaayeen, hase yeeshee marka laga reebo shanta ciyaartoy ee tartanka ka qeyb galay intooda kale loo waayay Visaha dal-ku galka.

Ciyaartoyda kooxda K/Koleyga Soomaaliya ayaa la ciyaaray markii ugu horeysay koox kale oo lagu magacaabo Urani kana socota dalka Burundi, hase yeeshee labada koox oo soo bandhigay qaab ciyaareed ay la dhaceen dadweynihii daawanayay waxaa ku badiyay daqiiqadihii loogu talo galay kooxda dalka Burundi ka socotay.

Wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya oo wax ka qoray tartanka kooxaha K/Koleyga Bariga Afrika ayaa sheegay in shanta ciyaaryahan ee ka socota dalka Soomaaliya ay la soo baxeen dardar cusub oo aan horay looga baran, taasi oo muujineysa rajada ay ka qabaan inay kaalimo sareeya ka galaan tartankaasi.

Dhinaca kale tababaraha kooxda ILS Md. Mahdi Cumar Cali (Biifot) ayaa sheegay in shanta ciyaartoy ee ka qeyb qaadanaya tartanka bariga Afrika oo ka socda magaalada Mombasa ee dalka Kenya ay qeyb ka yihiin tababaro adag oo ay qaateen kahor inta aanay dalka ka dhoofin dhoofin, wuxuuna rajo ka muujiyay guulo taariikhi ah inay u soo hooyaan qaranka Soomaaliya.

Kooxda K/Koleyga ILS oo xarunteeda ugu weyn ay ku taalo magaalada Muqdisho waxaa asaasay Xildhibaan C/llaahi Axmed Cali oo ah ganacsade Soomaaliyeed, kaasi taageero hiil iyo hooba leh mar kasta la garab taagan sidii ay uga mid noqon laheyd kooxaha heerka, ayaa haatan waxaa muuqata inay u rumowday riyadiisii, bacdamaa kooxdiisa K/Koleyga ILS iminka tiigsatay ka qeyb galka horyaalada heer qaaradeed, kuna sii socota horyaalada heerka caalami.

IMG_20140827_192213 IMG_20140827_192229 IMG_20140827_192340 vlcsnap-2014-08-28-12h36m14s237 vlcsnap-2014-08-28-12h41m07s96 vlcsnap-2014-08-28-12h48m35s223 vlcsnap-2014-08-28-12h49m48s187 vlcsnap-2014-08-28-12h52m39s39 vlcsnap-2014-08-28-12h56m55s1 vlcsnap-2014-08-28-13h07m19s198 vlcsnap-2014-08-28-13h22m02s94 vlcsnap-2014-08-28-13h23m18s253 vlcsnap-2014-08-28-13h25m41s208 vlcsnap-2014-08-28-13h34m34s106 vlcsnap-2014-08-28-13h34m46s249 vlcsnap-2014-08-28-13h44m31s204 vlcsnap-2014-08-28-13h45m57s87 vlcsnap-2014-08-28-13h50m18s75