Cali-Maxamed-Geedi

Wararka ka imaanaya deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho in gacanta lagu dhigay Cali Maxamed Geedi ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Somaliland ay dhanka degmada Burco ula aadeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo Cali Maxamed Geedi ee gobolka Hiiraan.

Xaalada deegaanka ayaa ah mid kacsan waxaana la sheegayaa in ciidamada maamulka Somaliland ay wali ku sugan yihiin halkaasi.

Laakiin saraakiisha ciidamada maamulka Khaatuma ayaa dhankooda beeniyay wararka ku aadan nin ciidamada maamulka Somaliland ay ku sugan yihiin degmadaasi.