tacsi1
Wadanka Sweden waxaa ku geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum Ibraahim Cilmi Bulaale (Ibraahim Xisbiyo) oo ka mid ahaa Guddoomiyeyaashii horay u soo maray Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho.

Allaha u naxariistee Ibraahim Xisbiyo waxaa kale oo uu ahaa ruug cadaa Isboorti oo xilal kala duwan ka soo qabtay qeybaha Isboortiga dalka iyo Dowladihii dalka soo maray, wuxuuna u geeriyooday kaddib markii maalmahaan uu hayay xanuun aakhirkii u geeriyooday.

Maamulka Dekedda Muqdisho iyo madaxda naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho ayaa si wadajir ah waxay tacsi ugu dirayaan ehelada Allaha u naxariistee marxuum Ibraahim Xisbiyo, waxayna leeyihiin “Allaha u naxariisto marxuumka, samir iyo iimaan Allaha ka siiyo eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tegay”, waxayna magacyadoodu kala yihiin:-
1. Maareeyaha Dekedda Muqdisho C/llaahi Cali Nuur
2. Maareeye K/Xigeenka Dekedda Muqdisho Yaasiin C/llaahi Maxamed
3. Guddoomiyaha Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho C/raxmaan Ismaaciil Maxamed
4. Guddoomiye K/Xigeenka N/Isboortiga Dekedda Muqdisho Ibraahim Cali Caadle
5. Xoghayaha Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho C/llaahi Bashiir Nuur (Kuwaataro) iyo
6. Madaxa Dhaqaalaha Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho Cali C/raxmaan Daahir.