basket
Jiritaanka gudoonka xiriirka kubadda koleyga ayaa ku eg bartamaha bishan April,iyadoo kadib la qabanayo doorasho gudoon cusub oo uu yeesho XKK,ayaa waxaa iminka soo baxaya Musharixiin dooneysa inay qabato jagada ugu sareysa XKK.

C/laahi Axmed Nuur (Cadaani) oo kamid ahaa garsoorayaasha caalamiga ah ee Kubadda Koleyga ayaa soo bandhigey musharaxnimadiisa gudoomiyaha kubadda koleyga,isagoo qado sharaf u sameeyey ilaa 9-kooxood oo kamida kooxaha u diiwaan gashan xiriirka KKoleyga.

Cadaani ayaa sheegey in hadii jagadaasi loo doorto uu wax weyn ka bedeli doono horumarinta ciyaarta KKoleyga oo Soomaaliya caan ku ahayd berisamaadkii,isagoo xusey in nasiib daro ay ahayd in laga baaqsadey tartamo badan oo dalalka Carabta iyo Africa ka dhacay.

“Waxaan balan qaadayaa hadii la ii doorto in sanad kasta Xulka qaran ay ka qeyb galaan dhamaan tartamada dhacaya,sidoo kale ciyaaryahanada Soomaaliyeed inay helaan jaamacadaha Mareykanka inay tababaro kusoo qataan,sidoo kalena Garsoorayaasha iyo tababarayaasha Kubadda Koleyga inay helaan Tababaro Koorso caalami ah”

Mar uu ka hadlayey sida lagu heli karo dhaqaalaha ku baxaya ka qeybgalka iyo horumarinta Kubadda koleyga waxaa uu xusey in uu dib usoo celinayo xiriiradii Caalamiga ahaa ee Soomaaliya la lahayd hey’adaha Kubadda Koleyga maamula,kadibna la helayo dhaqaalaha ku baxaya Kubadda Koleyga Soomaaliya.

Si kastaba Garsoore Caalami C/laahi Cadaani ayaa ah musharaxii ugu horeeyey ee isasoo bandhigey inuu u taagan yahay jagada ugu sareysa ee hogaanka Kubadda Koleyga ee Soomaaliya Afarta sano ee soo socota doorasha dhacaysa Bartamaha Bisha April,iyadoo ay jiri karaan Musharixiin kale oo la filayo inay banaanka is keenaan maalmaha soo socda.

C/xafiid Zaciimka

Zaciimka02@hotmail.com