APTOPIX Kenya Hotel Attack

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee la dagaalama argagixisada dalka Kenya ayaa magaalada Lamu ku toogtay shan ka tirsan rag lala xiriiriyay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab isla markaana ku lug lahaa weeraradii 60-ka qof ay ku geeriyoodeen degaanka Mpeketoni.

Wararka ayaa sheegaya in raggaan ka tirsan ururka Al-Shabaab la qabtay iyagoo qorsheynaya weeraro kale oo ay ku qaadaan magaalada xeebta ku taala ee Lamu, kaddib markii sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Kenya ay weerareen xarun ay raggaan ku sugnaayeen.

Ciidamada loo tababaray la dagaalanka argagixisada ayaa xiray dhammaanba nawaaxiga ay howlgalada ka socdeen, hase yeeshee is rasaaseyn muddo kooban socotay oo ciidamadu ku doonayeen inay nolol ku qabtaan u suurageli weysay, taasi oo sababtay in dhammaantood la dilo.

Dhinaca kale Dowladda Kenya ayaa ciidamadii ugu tirada badnaa geysay goobihii dhowaan la weeraray ee ku yaala xeebta dalka Kenya, kuwaasi oo iyagu degaanadaasi ka wada howlgallo culus iyo baaritaano aan horay loo arag oo ay ku hayaan gaadiidka , dadka rayidka ah iyo guryaha ku yaala dhammaanba meelihii ay weeraradu ka dhaceen.