Eedeyn loo jeediyay Guddoonka Golaha Baarlamaanka Federaalka

jawaari-1Guddiga xeer hoosaadka Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, iyagoona ku eedeeyay inuu jebiyay qodobo ku yaala heer hoosaadka Golaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha guddiga heer hoosaad Golaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu soo buuxiyo kooramka fadhiga Golaha Baarlamaanka marka uu isagu dan leeyahay oo kaliya, balse marka uusan dan lahayn aanu soo buuxsameynin kooramka Golaha.

“Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaan ka codsaneynaa in fadhi kasta oo Golaha uu yeelanayo la soo buuxiyo kooramka Baarlamaanka” ayuu yiri Gudoomiyaha guddiga xeer hoosaadka Baarlamaanka oo sheegay in howlaha Golaha ay caqabad weyn uga timid kooram la’aanta.

Dhinaca kale xubno ka tirsan guddiga xeer hoosaad Golaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaano fara badan ay dalka dibada uga maqan yihiin, kuwaasi oo guddigu sheegay inaysan heynin adareesyadooda.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo khudbad ka jeediyay fadhiga Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Guddoomiye Jawaari inuu gabayo waajibaadka ka saaran inuu dardar geliyo howlaha Baarlamaanka oo maalmahaan habacsanaan soo wajahday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*