Sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab oo goor dhow Dowladda Federaalka isku dhiibay

Hoggaamiye sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa goor dhow isku dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaamiyahaasi oo isagu dagaalami jiray buuraha Galgala ee dowlad goboleedka Puntland.

Hoggaamiyahaan oo lagu magacaabo Maxamed Sh. Saciid (Atam) ayaa isagoo ku sugnaa magaalada Muqdisho waxa uu isku dhiibay Dowladda Federaalka, iyadoo isku dhiibistiisa aan weli la sheegay sababta keentay.

Qaar ka mid ah Wasiirada Dowladda Federaalka oo hoggaamiyaha sare ee Shabaabka ka tirsan ay wada joogeen ayaa waxaa lagu wareejiyay taliska nabad sugidda Dowladda Federaalka si ay su’aalo uga weydiiyaan macluumaadyo la xariira ururka Al-Shabaab.

Dhinaca kale wixii kale ee warar ah oo ku soo kordha hoggaamiyaha Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalamayay gobolada Puntland dib ayaan idin kala soo socodsiineynaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*