Qaraxaan ayaa u muuqday in uu ahaa midm lala beegsanayey taliyaha ciidamada nabadsugid ee gobolka banbadir Jeneral Khaliif Axmed ereg gaari uu saarnaa waxaana soo kala dhaxglay gaari caasi ahaa oo ay saarnaayen dad badan kaasi oo ku basbeelay isla goobta inka badan 8 ruux ayaa ku geriyotay tiro intasi ka badana way ku dhawacmen weerar ismidamina oo loo adegsaday gaari rinoot ah isla markaana laga buuxiyey waxyabaha qarxa oo ku qarxay afafka hore ee xarunta exfiyore oo kabiga ku haysa xarunta madaxtoyada ee magalada Muqdisho.
Qaraxa oo ay ku gubten gawari kala duwan ayaa gaystay qasaare aad ufarabadan oo isugu jirta dhimasho burbur hantiyadeed iyo dhawac soo gartay dad rayida oo sarnaa gawaarida gubatay iyo kuwa ka cuntaynayay maqaayad aan sidasi uga fogayn goobta uu qaruxu ka dhacay iyado sido kalana ay wararka qaar shegayan in qaraxa ay ku dhawacmen sarakil ka tirsan dawlada federalka ah.
Goobta uu qaruxu ka dhacay ayaa waxa soo buuxdhafiyay saraakiisha ciidamada amanka xildhibano maamulka gobolka gaadiidka dabdamiska iyo dadweyne aad ufara badan kuwaasi oo halkaa u tagay sidii ay u ogaan lahaayeen wax goobta ka dhacay.
Qasaaraha ka dhashashay qaraxa ayaa siyaabo kala duwan waxaa uga hadlay madaxda iyo saraakiisha dowlada kuwaas oo si aad ah u beeniyey dhawca la sheegay in ay gaareen qaar ka mid ah saraakiisha maanka.

Qaraxa Viyoraha  (1) Qaraxa Viyoraha  (2) Qaraxa Viyoraha  (3) Qaraxa Viyoraha  (4) Qaraxa Viyoraha  (5) Qaraxa Viyoraha  (6) Qaraxa Viyoraha  (7) Qaraxa Viyoraha  (8)(1) Qaraxa Viyoraha  (9) Qaraxa Viyoraha  (10) Qaraxa Viyoraha  (11) Qaraxa Viyoraha  (12) Qaraxa Viyoraha  (13) Qaraxa Viyoraha  (14)