Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh oo beeniyay eedeyn ay u soo jeediyeen qaar ka mid ah odayaasha gobolka Sh/hoose

Sawiro_1_may

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Maxamed Sheekh Axmed ayaa beeniyay in eedeymo ay u jeediyeen qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

Eedeymaha ay odayaasha usoo jeediyeen Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku saabsanaa booqashadii uu dhowaan ku tegay magaalada Marka isagoo lagu eedeeyay inuu la kulmay beelo gaar ah oo degan Marka oo aanu la kulmin marnaba dhammaanba odayaasha matala beelaha ku dhaqan magaalada Marka.

Ra’iisal Wasaare Cabdiweli oo ka jawaabayay eedeyntaasi ayaa sheegay in kulankii uu la yeeshay waxgaradka magaalada Marka aanu ahayn mid beel gaar ah uu kula kulmay, isagoona hoosta ka xariiqay in kulankiisa uu ahaa mid loo dhan yahay.

“Kulankeygii Marka ma ahayn ujeeddo gaar ah iyo inaan la kulmay hal beel” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cabdiweli oo sheegay guud ahaan booqashadiisii gobolka Sh/hoose inay ahayd dadaalada dowladdiisu ku dooneyso inay wax uga qabato qorsheyaasha nabadda iyo xoojinta wada shaqeynta ay leeyihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*