Prof. Xuseen Warsame: “Way adkaaneysaa sida Baarlamaanka uu xilka uga qaado Madaxweynaha”

Dastuur2

Mid ka mid ah qorayaashii Dastuurka Dowladda Federaalka ayaa ka hadlay sharcinimada dastuurka u ogolaanaya Baarlamaanka inuu xilka uga qaado karo Madaxweynaha, wuxuuna sheegay in iminka taasi ay ku dambeyneyso jugjug meeshaada joog ilaa uu ka dhammaado xilliga xilliga Madaxweynaha oo ay ka dhiman tahay laba sano.

Prof. Xuseen Warsame oo u waramayay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in dastuurka uu dhigayo haddii ay is qabtaan Baarlamaanka iyo Madaxweynaha in Maxkamadda sare ay ogolaato in Baarlamaanka uu qaado mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweynaha, taasina aanay haatan meesha oolin bacdamaa aanay dhisneyn Maxkamaddii sare ee dalka.

Waxa uu sheegay Prof. Xuseen Warsame Xildhibaanada dalbanaya inay ridaan Madaxweynaha inay ku doodayaan in hay’adda garsoorka oo dastuurku dhigayo muddo laba bil gudahood ah Madaxweynuhu ku soo dhiso oo ka mid ahaa howlihisa ugu horeeya markii uu qabto xilka Madaxweynenimo ay ka mid tahay arrimaha ay Xildhibaanadu ku dhaliilayaan Madaxweyne Xasan inuu baal maray.

Mar uu ka hadlayay awooda Madaxweyne Xasan Sheekh uu dastuurku u fasaxayo inuu ku kala diro Baarlamaanka ayaa iyaduna haatan meesha oolin, bacdamaa isagiiba loosoo jeediyay dhaliilo.

“Utunta Madaxweynaha iyo Baarlamaanka waxay soo bilaabatay xil ka qaadistii Ra’iisal Wasaarihii Dr. Saacid” ayuu yiri Prof. Xuseen Warsame oo sheegay in wixii xilligaasi ka dambeeyay ay bilowdeen is xulufeysi ka dhex jira Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

Isagoo ka hadlayay Prof. Warsame halka ay ku dhamaaneyso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ayaa sheegay in qabqabsigoodu uu sii soconayo ilaa uu ka dhammaanayo wakhtiga uga harsan xilkii loo doortay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*