Dagaalo qasaare geystay oo ka dhacay buuraleyda Galgala + Sawirro

shab shab-1 shab-8 shab-12 shab-16 shabab-bosaso12 shabab-bosaso13 shabab-bosaso14 shabab-bosaso15 shabab-bosaso20 shabab-bosaso21

Waxaa saakay degan xaaladda degmada Carmo ee duleedka magaalada Boosaaso, iyadoo maalintii labaad ay ka socdaan howlgallo ciidamada Puntland ay ku baacsanayaan Al-Shabaab ku dhuumaaleysanaya xaafadaha magaalada Boosaaso.

Ma jiro wax saameyn ah oo howlgaladaan ka socda magaalada Boosaaso ay ku yeesheen dhaqdhaqaaqa shacabka, ganacsiga iyo gaadiidka isaga gooshaya magaalada Boosaaso, iyadoo ciidamada ay bar tilmaameedsanayaan xarumo iyo guryo hay’adaha sirdoonka u far muqeen inay ku sugan yihiin rag ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgaladaan ayaa yimid kaddib markii habeen hore rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar fool ka fool ah ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada ammaanka Puntland, iyadoo dagaal socday muddo saacado ah uu dhex maray dagaal aan waxba la isula harin.

”Waxaan helanay warbixin sheegaysa in Ciidamo katirsan Al-qaacida ay wadada isku xirta Degmada Carmo iyo Boosaaso dhexdeeda ay ka samaynayaan qorsheah gaadiid usiday Haween iyo Alaab halkaasi kula wareegayeen ” ayuu yiri Taliyaha qeybta Booliska Bari C/raxmaan Muslim oo u waramayay Saxaafadda gudaha.

Taliyaha ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen buuraleyda Galgala, wuxuuna sheegay inay la kulmeen 11-dagaalyahan oo Al-Shabaab ah, kuwaasi oo ay ka dhigeen wax dhintay, dhaawacyo iyo kuwo ay nolol ku qabteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*