Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo taageeray howlgalada lagu xoojinayo ammaanka Muqdisho iyo gobolada dalka

Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa bayaan ka soo saaray howlgallada lagu xoojinayo ee ka socda caasimada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka oo dhan, isla markaana looga hortegayo falalka qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ay damacsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Bayaanka Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu sheegay in Golahoodu taageersan yahay isla markaana soo dhoweynayo howlgalada noocaan ah oo uu ku tilmaamay inay yihiin tallaabooyin wax looga qabanayo amni darrida ay la doonayaan kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida oo awoodoodii wiiqantay.

“Kooxaha khawaarijta Shabaab iyo Al-Qaacida ma aha kooxo faafinaya diinta Islaamka ee waa kooxo faafinaya fidno iyo nabad darro ” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

Dhinaca kale Golaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageero hiil iyo hooba leh la garab istaagaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee iyagu har iyo habeen u taagan sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen kooxaha cadowga ku ah dadka, dalka iyo diinta Islaamka.

Bayaanka Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgallo looga hortegayo falalka amni darro ah oo ay ka geystaan caasimada kooxda ururka Al-Shabaab oo iyagu mar walba sheegan jiray qaraxyo dhowr ah oo ay ku geeriyoodeen caruur, haween, dad da’ ah, arday, waxgarad iyo shaqsiyaad hormuud u ahaa bulshada Soomaaliyeed.

1 2 3 4 5

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*