Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay amarka Kenya ay ku soo rogtay qaxootiga

cali-ameriko
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab cad ka bixisay go’aan xukuumadda Kenya ay ku soo rogtay qaxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku nool oo ku saabsanaa inay iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga si dalkooda dib loogu celiyo.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameeriko oo u waramayay Saxaafadda ayaa sheegay in amarka Dowladda Kenya ka soo baxay ee ku wajahan qaxootiga Soomaalida ah uu yahay mid ay si weyn ula yaabeen oo lama filaan ku noqday.

Waxa uu sheegay Maxamed Cali Ameeriko in Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay u socdaan shirar iyo kulamo ka dhacaya labada dal, isla markaana aanu jirin heshiis ku saabsan arrimaha qaxootiga ayna ku raacsaneyn amarka Dowladda Kenya kasoo baxay.

“Wasiirada arrimaha dibadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxaa u socda shirar looga tashanayo arrimaha qaxootiga, balse amarkaan degdegta ah ee Kenya ka soo baxay waa lala yaabo” ayuu yiri Maxamed Cali Ameeriko oo sheegay in waxyaabaha labada dhinac iyo UNHCR ay raaceen ay tahay in qaxootiga si iskiis ah uu u dalbanayo in dib loogu celinayo dalkiisa balse aan lagu khasbin dib u celinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*