Fannaanka Maxamed Suleymaan Tubeec oo Muqdisho loogu sameeyay aas Qaran

tubeec

Allaha u naxariistee Fannaanka caanka ah ee Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa saakay lagu aasay qabuuraha Dugsiga Booliska, waxaana aaska marxuumka ka soo qeyb galay madax ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ugu horeeyo Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed.

Meydka Maxamed Suleymaan Tubeec oo saakay aroornimadii hore laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana soo galbiyay qaar ka mid ah eheladiisa, xubno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo dadweyne fara badan.

Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ka qeyb galay aaska marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec, iyadoo lagu ag aasay qabrigii Jan. Kaahiye ee ku yaala Dugsiga Booliska magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah madaxdii ka qeyb galay aaska ayaa khudbad ay ka jeediyeen qabriga waxay dadweynaha ka dalbadeen in la cafiyo fanaanka Maxamed Suleymaan Tubeec, isagoona lagu aasay halkii uu ka dardaarmay markii uu noolaa oo ahayd magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa fashilmay qabanqaabo iyo diyaar garow Somaliland ka socday oo la doonayay in lagu aaso magaalada Hargeysa, iyadoo arrintaasina laga cabsi qabo inay war ka soo saarto xukuumadda Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*