Majaajiliiste caan ah oo Muqdisho ku geeriyooday

cali-hiiraan

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ku geeriyooday Cali Xasan Aadan (Cali Hiiraan) oo ka mid ahaa Majaajiliistayaasha Soomaaliyeed kuwooda ugu magac dheeraa.

Allaha u naxariistee Cali Hiiraan ayaa ku dhintay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo maalmahan lagu daweynayay, kaddib markii uu soo wajahay xanuun waxaana geeridiisa xaqiijiyay ehelkiisa.

Majaajiliistaha oo ahaa Majaajiliistayaasha looga jecel yahay Muqdisho, wuxuu inta badan majaajilidiisa iyo ruwaayadaha uu ka qeyb qaato laga sii deyn jiray Telefishinka Universal oo uu ka tirsanaa iyo Idaacadaha Muqdisho oo uu la shaqeyn jiray.

Cabdi Ilkacase oo isna saaxiib dhow la ahaa isla markaana ay isla ahaayeen Majaajiliistayaal ayaa geerida Cali Hiiraan ku tilmaamay mid naxdin leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*