Dam-Jadiid
Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka jirta dalka mudada iyo sanadka iyo googo’a weli ma noqon Dowladdii ay shacabku u aayayeen isla markaana ka saari laheyd dhibaatada culus ee ay maanta ku jiraan, gaar ahaan dhinacyada nolosha, amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarka dalka.

Arrimaha ugu waaweyn ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku hor gudban ayaa noqday kuwo muuqda oo ay iska indha tirayaan Madaxweynaha iyo kooxdiisa Dam-Jadiid, maxaa yeelay waxaad mar kastaba arkeysaa in awaamiirta Madaxweynaha uu soo saaro had iyo goor la fashiliyo amaba ay dhicisoobaan, waxaana arrimahaasi ka mid ah:-
1. Qaadista isbaarooyinka
2.Xoojinta amniga.
3.Howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab
4.In la dilo ninkii kufsi geysta
5.Kahortegidda weerarada Shabaab
6.Sirdoonka Dowladda oo howshiisa gabay
7.Xil ka qaadista Saraakiisha
8.Sirta Dowladda oo tubaha daadsan inta aanay dhaqan gelin
9.Xuquuq la’aanta askarta Dowladda
10.Lugooyada kuwo xil-doon iyo handho-doon ah.

Dhammaan marka la isku geeyo qodobada aan kor ku soo xusay waxay caqabad ku yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shacabku ka qabeen rajo aan cago badan ku taagneyn, hase yeeshee markii ay arkeen isla markaana dhegahooda maqleen wararka laga soo sheegayo Dowladdii rasmiga ahayd ee Soomaaliya u dhalatay ayaaba ka dhigaya kuwo rajadoodu quus qarka u saaran tahay.

Tallaabooyinka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu la tashaday kooxdiisa Dam-Jadiid waxay soo saarayaan inuu qaado tallaabooyin ka duwan dowladihii dalka soo maray, sida magacaabista duqa magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Jan. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xitaa aan hoos tegin Wasaaradda arrimaha gudaha balse si toos ah Madaxweynaha.

Arrintaan uu ku dhaqaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh ma aha marnaba mid waafaqsan nidaamka Dowliga ah iyo shuruucda dalka, wuxuuna haatan adaxweynuhu luminayaa kala dambeyntii iyo hab maamuuskii dowladnimada lagu yaqiinay iyo in hay’adaha Dowladda ay isku hoos tagaan sida ay u kala sareeyaan.

Marka aad eegto dhaqanka cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Dam-jadiid ay la soo baxeen ma aha kuwo xal u noqon kara xaaladda cakiran ee maanta heysata Dowladda Federaalka ee taageerada ka heysata beesha caalamka, waxaana taasi kaaga filan in 22-sano kaddib maalin cad la soo weeraro xaruntii dalka looga talinayay ee Villa Somalia.

Sirta Dowladda oo ah arrimaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay inaanay bannaanka u soo bixin ayaa waxaad maqleysaa muddo laba bil ama saddex bil kahor inta aanay soo bixin, iyadoo taasina ay marqaati cad u tahay sida uu Kartooniistaha Amin Amir uga sameeyay Cartoon ay ku saxiran yihiin saddex nin oo kala ah: Xasan Sheekh iyo C/Kariim oo isla taagan iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Jan. Muungaab oo meel gees ah taagan ila markaana gashan dharka milateriga oo aad moodo inuu la soo baxayo laba bastoolo oo dhinacyada ugu jira.

Ugu dambeyntii waxaan qormadeyda ku soo gunaanadayaa haddii aanay wax iska bedelin kooxda Dam-Jadiid ee talada dalka heysa in la arki doono dagaalyahanada Al-Shabaab oo madaxtoyada Soomaaliya u qabsada sida xaruntii ganacsiga Westgate Mall eemagaalada Nairobi oo kale.

Waxaa Qoray:

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

Editor: radiomaanta

E-mail: jabriil@journalist.com