fibre_optic_cable

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in ciidamada Booliska maamulka Somaliland uu xabsiga dhigay in ka badan toban ruux oo ka mid ahaa dadweyne is hortaag ku sameeyay fiilada Internet-ka Fibre Obtic oo degaanadooda la soo marinayay.

Sarkaal u hadlay saldhigga Booliska magaalada Boorama ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen dad carqaladeynayay howlo dhulka lagu gelinayay fiilada Internet-ka Fibre Obtic oo degaanadaasi ka socday.

Waxa uu sheegay sarkaalkaan in baaritaano lagu sameynayo dadka ay ka soo qabqabteen miyiga degaanka Buuhoodle, isla markaana waxa uu sheegay in la sii deynayo dadkii lagu waayo wax dembi ah, halka uu sheegay in dadka lagu helo caddeymo la xariira rabshadahaasina sharciga la hor geynayo.

Waa markii ugu horeysay oo gudaha dalka Soomaaliya ay ka dhacaan rabshado lagu hor istaagayo Internet-ka casriga ee Fibre Obtic oo weli aan si rasmi ah dalka ugu baahin, inkasta oo horay ururka Al-Shabaab uu uga mamnuucay shirkadaha Isgaarsiinta isticmaalka Internet-ka Mobile-ka loo adeegsado.